Uncategorized

CAQABADAHA HORTAAGAN QOF IYO COD

 Hannaanka dowliga ah ee Soomaaliya wali ma qaangaarin sababtoo ah isagoo markii la billaabay ba lagu hormaray doorasho toos ah, qof iyo cod oo aan bulshadu fahansaneyn, faragelintii ciidanka oo iyaguna aan sixin wadadii lagu socday ee wadatashigii lumiyay. Intaas waxaa wehliyay sannadihii xukuumad la’aanta la ahaa ee fowdadu socotay oo laga dhaxlay nidaam hoosaadyo beeleysan.

Sagaalkii sano ee Dowladdii Madaniga aheyd waxaa laga bartay dulduleello badan ee uu yeeshay nidaamkii la taagay Soomaaliyada cusub. Haseyeeshee, iyadoo aan wali dib loo eegin toosin na lagu sameyn ayaa ciidankii talada marooqsadeen. Taasoo keentay in wax-ka-barashadii ay halkaas ku istaagto.

Marlabaad ayaa Soomaalidu unugtay dedaallo lagu soo celinayo Soomaaliya wada tashi ku dhisan. Shirkii carta ee 2000 ayaa dowladnimada hadda jirtaa kasoo billaabatay. Hannaanka dowlad dhisidda ee sida diinka u socda waa mid garaadka Soomaalida ku fahmayo oo uu la qabsan karo. Oo meeshii uu 2000 joogay waxaa lasoo jaray masaafo dheer oo mar ba meel lagu soo hoyday. 2004, 2009, 2012, 2016 waxey ahaayeen kala bayr ay ku kala wareegeen afkaar iyo xukuumado is-dhaxlay.
Hannaankaas hormarkiisa iyo in wakiillada shacabka matala toos loo doorto waxaa ku gudban caqabado jid gooyo ku ah in qof iyo cod la gaaro, waxaana ka mid ah kuwan soo socda:

1.  Isu guurinta siyaasadda iyo qabiilka

Awood qaybsiga qabiileysan wuxuu ahaa wadada keliya ee dib loogu yagleeli karay hannaan dowli ee Soomaaliya ka hirgala. Balse wuxuu dib ka noqday caqabadda ugu horreysa ee hortaagan in bulshadu awood u yeelato doorasho toos ay ugu doortaan ciddii ku matali laheyd. Markii hore qabiilku wuxuu ku ekaa xiriirka bulsho meel wada daggan ama isku isir ah, haddase wuxuu noqday saldhig nidaamkii dowliga ahaa ee ka shaqeynayey adeeg bixinta iyo qarannimada dalka.
Nidaam qabiileysan qaran ma noqon karaa adeegse ma bixi karaa?
Aad ayey u adagtahay in nidaam qabiileysan uu qof iyo cod gaaro, waayo xubnihii dadka mateli lahaa qabiil baa gooni u leh.

Qabiil yeelaya xubnahaaga ka tanaasul ee tartartama ma jiro! 
Dowlad qabiil ku saleysan na adeeg, qarannimo, kala danbeyn iyo xukun wanaag mid na looga tasha maayo, maxaa yeelay, intaasiba qabiillada kama dhexjiraan. Qabiil qaran maahin, adeeg ma bixiyo, isma maamulaan. Taa beddalkeeda, qabiilku waa xukun saameyntiisu ku ektahay amniga xubnihiisa ( minimal state).

2. Kala qob-qobnaanta deegaaneed

Dowlad Goboleedada iyo Dowladaha hoose waxey u abaabulanyihiin degaan beeleedyo qabiil ku asteysan. Taasi waxey abuureysaa kala duwanaanshiyo aan danguud xambaarsaneyn ee xurguf iyo kala shaki qabiillada dhexdooda lagu muujiyo. 

3.  Hormuudkii bulshada oo caqabaddii qeyb ka ah

Aqoonyahan iyo waxgarad ka bulshadu halkii ay beelaha iyo bulshada ku hagi lahaayeen qarannimo iyo hannaan dowli ah ee la wada harsado, waxey ku milmeen qabyaaladdii iyo beelahoodii waxaana ku rumowday xikmaddii aheyd ‘fiqi tolkii kama janno tago’. Taa waxaa sii dheer, dadkii loo maleeyay iney yihiin indhihii bulshada oo indha tiraya bulshadii. Aqoontu waa iney hoggaamisaa samata bixinta umadda ee ayan hagrid qeyb ka noqon.

4. Amni xumo

Fowdada dalka ka dillaacday waxaa u danbeysay mid dabar goyn, dil iyo qarribaad aan ujeed laheyn. Burburin, degaal, dil iyo khasaaraha ujeed la’aanta ah ee aan joogsiga laheyn ayaa ka mid ah caqabadaha hortaagan nidaam dowli ah Soomaaliya ka hirgala.

5. Faragelin taban ee Shisheeye

Dowlad waa sharci iyo dhaqaale lagu fuliyo sharciga. Dowlado iyo hay’ado caalami ah ayaa bixiya inta badan kharashka ay ku socoto Dowladda Soomaaliya. Waxaa maqan xikmaddii aheyd ‘biyo sacabbadaada ayaa looga dhergaa’. Taageero bilaash ah cidina ma bixiso. Ujeeddooyinka kala duwan ee hay’adaha caalamiga ah iyo danaha dalalka taageerada bixiyaa waa qeyb ka mid ah caqabadaha aan lagu gaari doonin hannaan dowli ah ee Soomaaliya yeelato.

Gunaanad iyo talo

Si kastoo caqabado waaweyn oo kuwaan soo sheeganay ay jiraan, haddana hannaanka dowliga ah ee Soomaaliya dhanka wanaagsan ayuu u siqayaa waxaase gudboon in caqabadahaas loo taxadar yeesho waayo, iyadoo waayo’ iyo dhib badan na soo maray haddana dib loo noqdaa nama qabato.
Si haddaba loo maareeyo caqabadahaas oo dhibtooda loo yareeyo, waxaan soojeedinayaa arrimahaan:-

  • In dowladnimada hoos laga soo dhiso oo tuulooyinka, degmooyinka iyo deegaannada maamul hoosaadyo loo dhisho ka dib na dowlad Goboleedada laga soo doorto maamulladaas hoose.
  • Dadka in la diiwaangeliyo, tiradoodana lagu saleeyo qeybinta xubnaha baarlamaanka ee heerarka dowladda sida heer dowladaha hoose, dowlad goboleed iyo heer qaran. Waa la sameyn karaa oo waxaa jira qaabab badan oo diiwaangelin madani ah loo sameyn karo. Beeluhuna iyagaaba ku tartami lahaa haddii la waajibiyo. Go’aan unbey u baahantahay.
  • Dhaqaalaha oo lagu heshiiyo. Kheyraadka oo lala soo baxo, canshuurta oo la qaado. Isla xisaabtan iyo waxqabad na lagu tartamo.
  • In laga heshiiyo wixii dhib ah oo nidaamka dowliga ah awgiis laysu gaarsiiyay. Waxaa jira dad u heysta in hanti keliya laysu heysto. Dhib baa dhexmaray lagu geystay xukunka awgiis oo siyaabo badan u dhacay. In dhab looga hadlo loogana heshiiyo waa mudan.
  • Amnigu waa heshiis dabadiis.
  • Haddii dhaqaale la helo waxaa yaraaneysa meeriska ajendaha shisheeyaha.
  • Waxbarid iyo wacyigelin dhab ah oo bulshada la baro dowladnimada.

Allow wixii san na waafaji.

Arafat

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button