Uncategorized

Taariikhda Soomaaliya iyo Saldanadda Geledi (1750-1920)

Jeldiga hore ee Buugga

Buuggan cinwaankiisu yahay ‘Taariikhda Soomaaliya: Hannaankii Dowladnimo ee Saldanaddii Geledi (1750-1920)’ wuxuu si qoto dheer u soo bandhigayaa mid ka mid ah saldanadihii faca weynaa ee carriga soomaalida ka jiray intaan gumeystayaashii reer yurub imaan.

Af Soomaali ayuu ku qoranyahay, sannadkii 2019 ayaa Madbacadda Hiil Press ku soo daabacday dalka Masar. Buugga waxaa qoray Anwar Axmed Mayow iyo Naasir Sh. Maxamed Muuse.

Gogoldhig iyo siddeed (8) cutub ayuu dhacaa. Ka sokow inuu isugu xiranyahay hab maangal ah, waxaa u sii dheer inuu si qoto dheer u soo bandhigay qaab nololeedkii siyaasad, bulsho, amni iyo dhaqaale ee Saldanadda Geledi. Iyo muujin qaab-u-yaalkii iyo cimillada dhulkii Saldanadda.

Buuggu marka hore wuxuu tilmaan kanbixinayaa dhulka saldanaddu ka curatay ee Afgooye iyo deegaannada hoosyimaad. Dhul ahaan halka Afgooye ay dhacdo, in la deganaa muddo kun sano ka badan, cimilladeeda xilliyada kala duwb ee sanadka, deegaannada hoosyimaad ee ku dhowaad 300 tuulo ah.

Dadka Saldanaddu waxey isugu jireen Jareer iyo Jileec, Gibil Cad iyo Gibil Madow. Inkastoo Geledi uu ahaa odeygii ay kasoo tafiirmeen ee Cumar Diini (Geledi) haddana Saldanadda waxaa ku wada jiray dadyow kala abtirsi duwan balse deegaanka iyo dantu mideeysay. Qaar horey deegaanka ugu noolaa iyo kuwo dib ka yimid oo deegaanno kale ka soo hayaamay. Tafiirta Cumar Diini qudhoodu waxey kasoo guureen magaalada Harar ee hadda Itoobiya ka tirsan. Asalkooduna waa Carab abtirsigoodu wuxuuu galaa saxaabigii Subeeyr Binu Cawaam. Wuxuu buuggu weriyey in Geledi uu ahaan jiray mid ka mid ah magacyada magaalada Afgooye.

Saldanadda Geledi inta aysan soo bixin waxaa carriga ka talinayey Saldanaddii Ajuuraan ee ay maamulayeen Soomali iyo Carab iskaashatay. Saldanadda Geledi oo markii hore ku billaabatay qaab hoggaan culimo u taliso ayaa isu rogtay Saldanad leh hannaan dowladeed qaabka federaalka u sameysan oo qabiil waliba goonidiisa u maamusho noloshiisa balse danaha guud Saldanadda loo hoostago.

Qaab-dhismeedka maamul ee Saldanadda Geledi waxaa ugu sarreeyay Suldaanka oo go’aanka ugu danbeeya qaata. Ulhayeyaasha oo ah akhyaarta la talisa oo beelahoodana gaarsiiya go’aannada. Akhyaarta Hoose oo iyaguna sii gaarsiiya jufooyinkooda wixii go’aan ay Ulhayeyaashu u soo dhiibaan. Gogle oo ahaa akhyaar xul ah oo fuliya go’aannada Suldaanka. Waxaa intaa dheeraa qeybo badan oo culimo, xirfad yahanno iyo ciidan ba isugu jira oo ka mid ahaa cududda ay Saldanaddu ku socotay.

Dhamaadkii qarniga 18aad ilaa niskii hore ee qarnigii 19aad ayey Saldanaddu faaftay oo ay gaartay inbadan oo dhulka labada webi u dhexeeya ka dib markii ay beelihii soonahaas deganaa badankood Saldanadda soo galeen. Buuggu wuxuu diiwaangeliyay in Saldanadda Geledi ay gashay 99 duullaan oo hal mar keliya lagu jebiyay. Waxaa ugu waaweynaa dagaalkii iyaga iyo Jameecada Baardheere, kii beesha Hintire, kii beesha Murusade iyo Boqortooyadii Biimaal oo markii danbe ku jebisay halka loo yaqaan Cagaaran ee Koonfur-galbeed ka xigta magaalada Marka.

Tan iyo waagaas waxaa hoos u dhacay awooddii mideysneyd ee Saldanadda waxaana ka baxay beelo ka mid ahaa. Waxey yeelatay dhowr Suldaan oo mid ba qeyb maamulo. Imaashihii gumeysiga Talyaani iyo kala dhantaaliddii bulshada oo sii gebgabeeyay jiritaankii Siyaasi iyo midkii ciidan ee Saldanadda Geledi.

Buuggu wuxuu kaloo xusayaa maamullo iyo boqortooyooyin ka jiray waayadaas Koonfurta Soomaaliya. Jamaacadii Baardheere, Saldanaddii Gasaaregude (Luuq), Boqortooyadii Biimaal (Marka) iyo Saldanaddii Hiraab (Xamar).

Hiddihii iyo dhaqannadii Saldanadda Geledi ayaa si faahfaahsan loogu bayaamiyay. Istunka, Dabshidka, Shirta iyo Jumaadda oo mid waliba lagu faahfaahiyey goorta la qabto, sida loo ciyaaro, maqaamka iyo xeerarkeeda.

Sidoo kale dhaqan afeed iyo suugaantii ilaa hadda laga yaqaan. Heeso iyo shirib isugu jira.

Tuduc aan jecleystay oo ka mid ah wuxuu leeyahay sidan:-

Ninkii tacab diida tacliina kaseenin

*** turaabta korkeeda tuugnimaa u taallo

Buuggu wuxuu qaadaa dhigay ilaha dakhli ee Saldanadda Geledi iyo awooddii dhaqaale ee ay laheyd. Qaabkii ay wax u tacba jireen, xoolaha u dhaqa jireen, quudka ay cuni jireen. Wax-soo-saarka xirfadleyda, alaabaha birta laga sameeyo, kuwa geedaha laga qoro iyo kuwa dhoobada laga farsameeyo. Iyo ganasciga ay la lahaayeen ajnebi ee xeebaha.

Runtii waa buug qofkii akhriyaa uu wax badan ka fahmayo noloshii hore ee Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan dhulka iyo dadka labada webi.

Tixraacyo badan oo isugu jira buug, qoraallo cilmibaariseed, qoraallo mareeg iyo wareysiyo aqoonyahan iyo waayeel u soo joogay dhacdooyinkaas qaarkood ayaa saldhig u ah xogta buugga.

Ka sokow taariikhda aan ka kororsaday, waxaa ii baxay weero iyo erayo aanan si quman u fahansaneyn buuggan hortiis.

GOB iyo GUN?

Badankeenu waa maqalnay in dadka loo qeybiyo Gob iyo Gun. Hase ahaate ‘Gunta’ oo gobollada qaar sifo xumaan muujisa u yaqaaniin ayaa deegaanka Saldanadda Geledi looga yaqaan ‘akhyaarta’ garta goysa ee labeenta bulshada ah.

Buuggu waa 233 bog baalweyne ah oo xog badan xambaarsan ee ka bogasho wacan.

 

Arafat Ali

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button