Uncategorized

Nidaamka Federaalka Soomaaliya Maxaad ka taqaan? “Buugga Isbarbardhigga Nidaamka Fedeeraalka Soomaaliya”

Waa maxay Nidaamka Federaalk ee Soomaaliya qaadatay? “Buugga Isbarbardhigga Nidaamka Federaalka Soomaaliya”. Dhiganahaan waxaa soo saaray Haayadda “Max Planck Foundation for International Peace and the Rule of Law” 2016. Haayaddaani waa tan Dowladda Soomaaliya kala talisa arrimaha dastuur sameynta. Buuggu waa boqol bog oo laba af ku qoran, Soomaali iyo Ingiriis. Wuxuu isbarbardhig ku sameeyay nidaamyada federaalka ah ee dowladaha caalamku ku dhaqmaan.

Buuggu wuxuu si kooban oo la fahminkaro usoo bandhigay hababka dowladuhu u abaabulaan hannaanka xukun ee ku habboon nolosha bulshooyinkooda. Wuxuu ka koobanyahay gogoldhig iyo sagaal waax.

Ujeeddada laga lahaa waa inuu fure u noqdo dadka u xilsaaran dastuur sameynta Soomaaliya si ay uga helaan xog ku filan ee ay ku go’aan qaadan karaan marka ay dejinayaan nidaamka dowliga ee Soomaaliya.

Wuxuu ku billaabayaa qeexid nidaam federaal inuu yahay “Hab dastuuri ah oo lagu baahiyo awoodda dowladda ilaa dhowr heer iyadoon heerarkaas mid na gooni ahaan waxba ka beddali karin awoodaha heer/ar ka kale”. Dadyowga dunidu nidaamkaan waxey u qaataan asbaabo badan oo dhaqan, dhaqaale, siyaasadeed iyo kuwo dhuleed. Iyagoo maaggan iney baahinta awoodda dowliga ah ku gaaraan xukun ay ku qanacsanyihiin.

Waxaa jira hab baahinta awoodaha dowliga ah kana duwan federaalka. Buuggu wuxuu isbarbardhig ku sameeyay hannaanka dowladaha kala madax bannaan ay ku midoobaan (confederation), dowlad mideysan balse xukunka baahisa, iyo awood qeybin federaal ee dowlad mid ah balse lagu heshiiyo in xukunku dhowr markas yeesho.

Nidaamka federaalka waxaa ku dhaqma ilaa 28 dowlo oo u dhigma 40% shucuubta caalamka. Buuggu wuxuu isbarbardhig ku sameeyay qaababka kala duwan ee dowladahaasi ugu dhaqmaan nidaamkan. Cilladaha iyo wanaagyada uu leeyahay iyo habka ay dowladahaasi u mareen qaadashadiisa.

Buuggu wuxuu si isbarbardhig ah u soo bandhigayaa qaababka awoodaha Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Garsoorka loogu qeybiyo heerarka ay koobmeyso dowlad federaal ah. Awoodahaas waxaa ka mid ah; nidaaminta nolosha dhaqan, dhaqaale, siyaasad iyo bulsho. Wuxuu si la fahmi karo u soo bandhigayaa habka loo unko, loo awood siiyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Isbarbardhiggu wuxuu ku dheeraaday sida Dastuurka KMG Soomaaliya ee 2012 uu uga gaabiyey, awood wadaagga dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Sidoo kale qaab dhismeedka hay’adaha xeer-dejin, fulin iyo garsoorka loo nidaamiyay oo gaabis dhanka awoodaha ah ka jiro. Aqalka Sare, Caasimadda, Garsoorka, dowrka Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee heshiisyada Caalamiga ayaa ka mid ah meelaha muranka badan ka imaan doono.

Buuggu wuxuu iftiiminayaa qeybo hannaanka federaalka ee aan wax weyn laga qaban. Kaalinta Dowladda dhexe ku yeelan karto Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, isa saameynta dastuurradooda iyo kan Federaalka, sameyn Dowlad cusub oo ka mid noqota federaalka, ilaalinta xuquuqda siyaasadeed ee bulshooyinka ku dhex nool Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee ay hoggaamiyaan beelaha ugu badan.

Nigaxa hoose raac si aad u hesho Buuggan.

Arafat Ali.

https://drive.google.com/file/d/1Rv4zfBVpkvp8HCYmacJYb37tncW9IGy4/view?usp=drivesdk

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button