Uncategorized

Dhallinyaradu ma xil doon baa mise waa xal raadis?

Waayadaan danbe waxaa soo kordhay dhallinyaro badan oo raadinaya xilal siyaasadeed. Afartii sano ba mar baa la cusbooneeysiiyaa sharciyadda awoodda xukun ee hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya. Xubno badan oo bulshada qeybaheeda ayaa raadiya ka mid noqoshada xilalka siyaasadeed ee hay’adaha dowladda.

Dhallinyarada oo ku jira da’dii ay ugu waxqabad badnaayeen ayaa u xusul duubaya iney ka mid noqdaan xilalka siyaasadeed sida xildhibaannimo, wasiirnimo iyo kuwo kale. Xilalkaas waxey u baahanyihiin waaya aragnimo, dood, isjiid-jiid, dulqaad dheeri ah, odoyeyn iyo ruugcaddaanimo. Badanaa uma baahna mihnadyahannimo sare, hal abuurid, karti aqooneed ama mid maaddi ah.

Haddaba maxaa dhallinyarada ku khasbay iney raadiyaan xilalkaas siyaasadeed?

Dhaqaale xumo & shaqo la’aan

Dowladdu waa meesha ugu badan uguna muhiimsan ee shaqo loo doonto. Ma jirto mashaariic shaqo abuur oo shaqo loo doonto. Ma jiro dhaqaale horumar laga dhex sameeyo. Waddanka dhaqaale xooggan soo ma galo. Awoodda dhaqaale waa liidataa. Taas awgeed baa dowladda oo qura loogu soo shaqo doontaa.

Maamul xumo

Nidaamka dowliga ah heer kasta waxaa hareeyay maamul xumo baahsan iyo musuq. Haddii inta yar oo la haysto loo maamuli lahaa sida ugu waxtarka badan uguna wax-ku-oolsan waxaa suurtagal ahaan laheyd in wax uun la beddalo keeni kara horumarin dhaqaale iyo shaqo abuur. Maamul xumada waxaa sababa canaasir doorriya oo dhinacyo badan leh balse ujeedku waa jiritaankiisa hortaagan horumar dhaqaale iyo mid nololeed.

Nidaam dowladeed beeleeysan

Nidaamka beeleeysan wuxuu caqabad ku yahay dad badan oo waxtar leh iney wax ku soo kordhiyaan nidaamka dowliga ah. Gaar ahaan dhallinyarada wax baratay ee maskaxda fayow, fursad uma helayaan iney kaalin ka qaataan horumarinta, waayo qof ku yimid matelaad beeleed badanaa qaran waxba uma galo. Xilalka farsamo ee u baahan hal abuurid iyo mihnadyahan lagu heli maayo aqoon iyo karti balse waa qoondo ku jaan go’an beesha aad ka dhalatay ama wax kuugu darsanyihiin.

Waxaaba kasii daran shaqaale nimadii farsamo ee dowladda oo joogsatay.


Waaqicaa sidaas u yaal wuxuu ku khasbay dhallinyaradii aqoon yahanka ahaa iney raadiyaan xil siyaasadeed heliddiisu adagtahay, haddii ay helaanna ka weeciya jidkii horumarka naftooda iyagoon tu kale na wax u qaban karin.

Maxaa gudboon si loo saxo xaalkaan?

Abuurid ilo dhaqaale

Sannad kasta waxaa suuqa shaqada soo gala da’ yar soo dhameeysay waxbarashada heerarkeeda una diyaar ah shaqo iyo nolol. Sidoo kale waxaa koror uu ku socda cadadka dadka oo khasbeysa in qorshe loo yeesho sidii lagu maareyn lahaa baahiyaha ka dhalanaya. Mashaariic horumarineed, maalgelin, raadin suuqyo loo iibgeeyo badeecadaha dalku leeyahay ayaa noqon kara wax lagu fekero. Haddiise taas beddalkeed lagu mashquulo xilal iyo jagooyin kooban, marka ugu danbeysa waa layska ciidey doonaa, goortaas na xal lama raadin karo.

In la yareeyo musuqa iyo maamul xumada

Musuqa qeybo badan oo ka mid ahi waaba dhaaftay xaalad lagu xallin karo sharci iyo maamul, haddana wali waxaa jira fursado lagu xakameyn karo maamul xumada oo dabadeed lagu heli karo duruuf shaqo abuur iyo kobcin dhaqaale. Canshuuraha oo si hufan loo aruuriyo loona keydiyo, si waxtar leh loo kharashgareeyo. Deeqaha dhaqaale dibedda oo qaar lagu maalgeliyo xirfadaha iyo qeybaha wax soo saarka bulshada. In la dhiirri geliyo shaqada iyo muruq maalnimada. La wacyigeliyo bulshada iney ku tiirsadaan cududdooda ee aysan qeyrkood wax ka sugin. Inaan xildhibaan xil kale loo dhiibin waayo fursadaha ayey baahi laheyd, isla xisaabtan baa na suurtagal ahaan lahaa.

Amniga oo guul laga gaaro

Amni xumo waa nolol xumo. Haddii uusan amni jirin dhaqaale ma jirayo, horumar haba sheegin, shaqo abuurna waxaa beddalaya fowdo kicin. Amnigu waa bar tilmaameed xilligaan ugu muhiimsan waxqabad dowladeed oo guul laga gaaro furo u noqoneyso guulo badan.

 

Xil doonista dhallinyartu waa duruuf adag balse duruuf kale yaa ka danbeyso. Maadaama dhallinyaradu tahay mustaqbalka umadda, iney noloshoodu khaldanto waa nolosha bulshada oo khaldanta. Waxaase fiiro dheer iyo xal waara u baahan inta ay waxka qabad leedahay oo wax laga qabto.

Arafat Ali.

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button