Uncategorized

Faallo ku saabsan Buugga “Musuq maasuq”

Buugga ” Musuq maasuq: Marinka aqoonta iyo Murtida Soomaaliyeed” waxaa qoray Axmed Maxamuud Jaamac (Axmed Daahir). Waxaa soosaaristii koowaad daabacday 2020, Madbacadda Hiil Press.

Sida uu cinwaankiisu tusinayo, buuggu wuxuu ku saabsanyahay Musuqa. Ujeedkiisu waa bandhig waxa uu yahay musuq, asbaabta dhasha, raadka uu reebo iyo siyaabaha loola tacaalo.

Wuxuu u dhiganyahay gogoldhig, Shan cutub oo dulucda mowduuca uu qoraagu ku faaqiday, iyo gunaanad uu raaciyey talooyin ku aaddan sidii bulshadu u yeelan laheyd sal adag oo noqda ka hortag, la tacaalid iyo yareyn dhibta musuqu keeno.

Qoraagu wuxuu ku billaabayaa inuu qeexid qoto dheer u sameeyay erayada iyo weeraha gun-dhigga u ah mowduuca. Laaluush, nin jecleysi, been abuur, ku shubasho, hanti lunsasho iyo xaaraan ku naaxid iyo kuwo kale. Wuxuu u noqonayaa qaamuuska Afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska iyo mareegaha laga helo xogta aqoonta Afka iyo tan kale ba, dhiganayaasha ay qoreen aqoonyahanka ku xeeldheer cilmiga maamulka iyo siyaasadda. Qoraagu wuxuu soo gudbiyay qaababka uu musuqu ku yimaad. Musuqa gala siyaasadda iyo maamulka guud ee dowladda, musuqa gala dhaqaalaha umad ama dal leeyahay, musuqa sumeeya xiriirka bulsheed ee xumeeya mucaamilka iyo dhaqanka wanaagsan ee xubnaha bulshada. Qodobbadaas ayuu qoraagu dul istaagay isagoo tusaalayaal waaweyn iyo dhacdooyin diinteennu ka hadashay ugu tusmeynaya sida musuqu uu saameyn xun ugu yeeshay nolosha Aadanaha. Gaar ahaan qeybaha nolosha Soomaaliyeed.

Soomaali musuq waa meheradeed.

 

Wuxuu soo bandhigay sida Soomaalidu ugu dhaqan doorsoontay musuqa oo saameeyay dhammaan qeybaha nololeed ee bulshada.

Cutubka labaad ayuu si qoto dheer ugu faahfaahiyey asbaabta uu ka yimaad musuqu ama kobcisa jiritaankiisa. Awood darrida hay’adaha dowladda ee ka hortagga musuqa aqoon yari iyo agab la’aan awgood. Dhaqangelin la’aan xeerarka lagula tacaalo musuqa. Xasillooni darrida siyaasadda. Aqoonta hay’adaha dowladda oo hooseeysa. Saboolnimada iyo isla falgalka shaqaalaha dowladda iyo maalqabeennada sed bursiga doonaya. Maamul xumida dowladda iyo daahfurnaan la’aanta. Wacyiga bulshada oo hooseeya iyo ineyan jirin warbaahin awood leh oo ku dhiirran karta dabool ka qaadid iyo ceebeeyn dhaqannada musuqa ku maleegan. Intaas iyo ka badan oo ah asbaabta musuqa ayuu faahfaahinayaa.

Buuggu wuxuu si tusaalayaal cad leh u soo bandhigayaa raadadka xun ee musuqu ku reebo dhaqaalaha, siyaasadda iyo xiriirka bulshada. Dal haddii musuq hareeyo lama maalgashado, dhaqaalihiisu hoos ayuu u dhacaa, waxaa faraha ka baxa nabadgelyada. Saboolnimo, gaajo iyo fowda ayuu ku danbeeyaa.

Qoraagu wuxuu tusaale u soo qaatay waddamo badan oo musuqu hareeyay sida Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, iyo dalal ku guuleystay iney yareeyaan musuqa iyo wax-is-dabamarinta sida Singabuur. Wuxuu ka sheekeeyay hoggaamiyayaal waddamooda u horseeday horumarin iyo yareyn musuq oo uu ka mid yahay Mahaatiir Bin Maxamed ee Maleesiya horumariyay. Musuqu wuxuu dhaxalsiiyaa keli-talisnimo iyo awood marooqsi siyaasadeed oo marka danbe keenta caddaalad darro iyo dagaallo sokeeye. Dhalan rogan iyo faafid dhaqanno liddi ku ah habka wanaagsan ee nolosha bulshada ayuu musuqu keenaa.

Cutubka afaraad wuxuu buuggu sharraxaad ka bixinayaa hababka looga gaashaanto musuqa iyo kuwa lagu yareeyo dhibtiisa. Wuxuu boorrinayaa kaalin warbaahintu ku leedahay qufid iyo iney tooshka ka daba qaadato musuq wadayaasha iyo dhacdooyinka laga yaabo inuu musuq ku jiro. Kaalinta dadweynaha ee kaga aaddan la xisaabtanka iyo iney dawgooda mariyaan shakhsiyaadka maamula danta guud ee haddana ugu adeegta dantooda. Dabcan kaalintaasi waa iyadoon laga tageen dhowridda anshaxa iyo asluubka wanaagsan ee toosin gudboon.

Dowlad wanaag iyo sare u qaadidda awoodda hay’adaha dowladda ee la xiriira maamul wanaagga iyo cadaaladda. In daah-furnaan loo maro waxqabadka dowladda, si furan loogu tartamo qandaraasyada dowladdu bixiso. La tayeeyo lana qalabeeyo hay’adaha cadaaladda iyo kuwa sharci fulinta. Intaas oo dhan oo loo maro talinta sharciga oo ah in wixii bulshadu ku heshiisay aan laga beyrin oo sharcigu ka sarreeyo rabitaanka shakhsiyaadka fulinaya. Iyo in la kaashado hay’adaha adduunka ee ku xeeldheer yareynta musuqa iyo asbaabtiisa sida baanka adduunka iyo hay’adda daahfurnaanta caalamiga ah.

Qoraagu wuxuu xusay weero hirgalay iyo hal-ku-dhegyo ay musuqa ka dhaheen dad caan ah sida Koofi Canaankii Qaramada Midoobey. Xikmado la tijaabiyay oo dhaqanka Soomaalida ku jira iyo gabayo tusaaleeynaya sidii looga hortagi lahaa ama loo dhimi lahaa musuqa.

Wuxuu ku soo gunaanaday talooyin uu usoo jeedinayo intii ay khuseeyso oo ku saabsan ka hortagga iyo yareynta musuqa. Wuxuu soojeediyay in la dhowro sarreynta sharciga oo la dhaqalgeliyo sharciyada loo dejiyay la dagaallanka musuqa lana casriyeeyo. La tayeeyo hay’adaha cadaaladda iyo garsoorka. La dhiso maxkamad gaar u ah musuqa, mudankooda la marsiiyo dadka dulloobay ee musuqa ka ganacsada. La xoojiyo kaalinta bulshada guud, warbaahinta iyo waxbarashada ku leedahay ka hortagga mususqa. La kobciyo aqoonta iyo wacyiga bulshada iyadoo loo marayo qoraal, baahin aqoonta, la abaabulo bulshada rayidka. Iyo jn loo noqdo sharciga Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaalida.

Buugu wuxuu u dhiganyahay hab soojiidasho leh oo waafaqsan halbeegga qoraalka fiican. Mowduuciisa ayuu u soo bandhigay hab maangal ah oo isugu xiga si xirfadeysan. Waana nashqad qurxoonyahay.

Kasokow inuu si guud iyo si gaar ah ba u bayaamiyay musuqa adduunka ka jira iyo sida uu Soomaaliya u ragaadiyey, haddana waxaan isleeyahay iney fiicnaan laheyd in qoraagu faahfaahin dheeri ku daro qeybaha soo socda:-

1. Tusaalayaal dheeri ka bixiyo sida musuqu u saameeyay hannaanka dowliga ee Soomaaliya tan iyo markii aan dowladnimada casriga ah yeelannay, saameeyntiisa dhaqaale, tan bulsho iyo raadadka uu Soomaalida ku reebay.

2. Qaababka casriga ah ee uu musuqu uga shaqeeyo Soomaaliya. Haddii ay ahaan laheyd eexda, nin jecleeysiga, laaaluushka adeegyada dowladda la dhaafsado. Waayo waxaa jira qaabab la casriyeeyay oo loo ekeeysiiyay wax saxan.

3. Saameynta habka awood qeybsiga 4.5 uu ku leeyahay talooyinka la tacaalidda musuqa.

4. Talooyin faahfaahsan oo la dhaqangeli karo si kastoo duruufta iyo awooddu tahay. Maxaa la yeelaa haddii talooyinka qaar ee qurxoon aan xilligaan la dhaqangeli karin?

5. Musuqu hadduu baaho oo noloshii qeybaheed oo idil saameeyo suurtagal maahin in lagu hababka caadiga lagu maareeyo. Talo dheeri ayey u baahantahay.

6. Tusaalooyin faahfaahsan habkii Shakhsiyaadka iyo dowladaha ku guuleeystay ka hortagga iyo yareynta musuqu ay u mareen dedaalkooda iyo siyaabihii u sahashay iney guuleystaan.

Buuggu wuxuu astaahilaa in la akhriyo oo cilmiga iyo tusaaleyntiisa oo laga faa’iideysto.

Arafat Ali

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button